WARARKA SOOMAALI

Daawo Sawiro:Cabdiweli Gaas oo xalay ku hoyday Magaalada Jowhar,Muxuu kula kulmay?

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa xalay ku hoyday magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle, kaddib markii maalinimadii shalay uu ka qeyb galay Caleema saarka Madaxweyne Waare.

C/wali Gaas ayaa ahaa Madaxweynaha kaliya ee maamul goboleedyada ee xalay ku hoyday Jowhar, iyadoo Madaxdii kale ay shalay gelinkii dambe dib ugu laabteen.

Labada Madaxweyne oo kala ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada iyo Guddoomiye kuxigeenka ayaa ka wada hadlay arrimaha khilaafka dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka, shirka ka dhacaya Muqdisho ee uu Madaxweyne Farmaajo ku casuumay iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Waare ayaa ku buneystay xarunta Madaxtooyada, waxaana Ra’iisul Wasaarihii hore Nuur Cadde iyo Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ahaa Musharaxiintii u tartamay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa xalay illaa saaka aad loo adkeeyay, waxaana lagu wadaa in Madaxweynaha Puntland uu saaka ka dhoofo magaalada Jowhar, dibna ugu laabto magaalada Garowe.

SOMALI NEWS

To Top