WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Madaxweyne Farmaajo oo maanta Booqday Xero Ciidan oo Imaaraadku gacanta ku hayo & Wuxuu kala kulmay-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kormeeray Xero ciidan oo ay Imaaraadka Carabta ku tababaro ciidamada dowladda, taasoo ku taal degmada Hodan.

Xero Agoon oo sanad ka hor ay dayactir ku sameysay Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ku jira boqolaal askari oo tababar uga socdo.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweynaha ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa waxaa uu la kulmay Ciidamo Kumaandoos ah oo tababar u socdo, isagoo kula dar daarmay inay qaranka u shaqeeyaan, oo ay shacabka bad baadiyaan.

Inta badan waddooyinka Muqdisho ayaa maanta xiran, waxaana loo xiray kormeerka Madaxweynaha uu ku tagay xero Agoon.

Imaaraadka Carabta ayaa horay Muqdisho ugu tababaray ciidamo fara badan, waxaana xeradan tababarka ka bixiya saraakiil ka tirsan Imaaraadka Carabta iyo Koofur Afrikaan.

 

SOMALI NEWS

To Top