WARARKA SOOMAALI

Daawo:Gudoomiye Jawaari oo Canaantay Xildhibaanadii kulankii maanta jaray iyo Digniin Culus-Video

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”  sheegay in aan loo dulqaadan doonin in la baajiyo Kulamada Baarlamaanka Soomaaliya ,islamarkaana xildhibaanada intay yimaadaan Xarunta Golaha Shacabka oo aysan sameyn wax saxiix ah.

Waxaa uu sheegay in maanta kulanka  Baarlamaanka ay soo xaadireen 104 Xildhibaan oo kaliya.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Jawaari ayaa sheegay in lala xisaabtamayo Xildhibaanadii ka maqnaa fadhiga maanta lagu madalsanaa, kuwaasi oo aanan soo xaadirin kulankii maanta ee qorshaha uu ahaa in shaqooyinkii Baarlamaanka dib loo bilaabo.

Kooramka Sharciga ah ee kulamada Baarlamaanka ay ku furmaan ayaa wuxuu yahay 139 Xildhibaan, haddii ay soo xaadiraan 138 Xildhibaan, kulanka lama furi karo.

 

SOMALI NEWS

To Top