WARARKA SOOMAALI

DEG DEG Daawo:Kulankii Baarlamaanka ee maanta oo looga hadli lahaa arrinta Qalbi Dhagax oo baaqday Sababta iyo Jawaari oo Digniin diray-Video

Kulankii Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee lagu waday in looga hadlo arrinta C/kariin Qalbi Dhagax ayaa kooram la’aan u baaqday, kaddib markii tiradii loogu tala galay inuu ku furmo kulanka ay soo xaadiri waayeen.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in kulanka uu baaqday, isla markaana uu kooramka uu buuxsami waayay.

Guddoomiye Jawaari ayaa aad uga carooday in kulanka uu kooram la’aan u furmi waayo, waxaana uu digniin u diray Xildhibaanada xarunta yimid ee aan saxiixin buugga diiwaanka.

Sidoo kale baaqashada kulanka ayaa saameyn ku yeeshay xirnaanshaha waddooyinka oo saaka la soo dhoobay ciidamo isugu jira boolis iyo milateri.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka soo horjeeda go’aanka Xukuumadda ayaa ku doodaya in arrintan ay aheyd qorshe ku tala gal ah oo looga gol lahaa in lagu baajiyo kulanka.

Warar kale ayaa sheegaya in baaqashada kulanka ay tahay qorshe Xukuumadda wadatay, si kulanka maanta aanu u qabsoomin, isla markaana loo helo fursad ololaha lagu sii wado, si loo kala fur furo Xildhibaanada ka soo hor-jeeda go’aanka Xukuumadda.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u muuqda inay arrintan Sarkaalkii ONLF ka tirsanaa ee loo gacan geliyay Itoobiya isku khilaafsan yihiin, waxaana laga cabsi qabaa in arrintan ay dhaliso doodo adag oo uu Baarlamaanku ku kala qeybsamo

SOMALI NEWS

To Top