WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Kismaayo iyo ujeedka Socdaalkiisa oo Xasaasi ah-Video

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay u ambabaxaan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Booqashadan oo ah tii u horeysay ee uu Kismaayo ku tagayo, ayaa sidoo kale ay tahay safarkii 3aad uu ku tagayo xarumaha dowlad goboleedyada hoos-yimaada dowladda Federaalka.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaano.

Wafdi horu dhac ahaa oo ay ku jireen Ilaalada qaaska ah ee Madaxweynaha ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku jiray diyaar garow ku aadan soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo, iyadoo sawirka Madaxweynaha la suray waddooyinka.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo jidad badan la xiray, waxaa ciidamo la dhigay waddooyinka, sidoo kale waxaa guud ahaan la xiray gelida iyo bixida magaalada inta uu Madaxweynuhu joogo Kismaayo.

 

SOMALI NEWS

To Top