WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo amar ku bixiyey in la weeraro Saldhig ururka Al-shabaab ku lahaayeen Gobalka Jubadda dhexe-Video

Ciidamada gaarka ah ee dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidamada caalamiga ah ayaa weerar ku qaaday saldhig tababar oo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.

War qoraal ah oo laga soo saaray Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howl galka lagu qaaday saldhiga Al-Shabaab uu fasaxay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Saaka aroortii, waxaan amray in ciidamadeenna gaarka ah oo kaashanaya saaxiibadeenna caalamka in ay weerar ku qaadaana xarun tababar oo ay kooxda argagixisada ah ee al Shabaab ku lahayd meel u dhaw Degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada Dhexe”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu bur buriyay saldhiga Al-Shabaab oo u yaalay saanad hub ah, saraakiil lagu dilay.

“Weerarkan oo ah ahaa mid guul ku dhammaaday ayaa lagu burburiyay xarun tababar oo muhiim u ahayd hawlaha amni darro ee ay kooxdan soo abaabusho. Tani waxay wiiqaysaa awoodda cadowga uu kusoo abaabuli cusub weerarro cusub”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tan iyo markii uu xafiiska la wareegay uu muhiimadiisa koowaad siiyay ammaanka, isagoo xusay in weeraradan ay yareyneyso qatarta Kooxda Al-Shabaab.

Waxaa kaloo qoraalka lagu yiri in weerarka lagu qaaday saldhiga Al-Shabaab uu carqalad ku keeni doono in weerar cusub ay soo qaadaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sameyn doonaan wax kasta oo suura gal ka dhigaya in laga baaqsado in khasaare uu soo gaaro shacabka, inta lagu guda jiro weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Waxaan muddo kusoo jirnay dhibaatooyin ay noo gaysatay al Shabaab, oo ah koox ku xiran shabakado argagixiso oo caalami ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee aan leenahay waxaan qaadi doonnaa tallaabo kasta oo lagu hubinayo in hawlgalladan aysan dhibaatooyin kasoo gaarin dadka shacabka”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Warar laga helayo Saakow ayaa sheegaya in duqeynta ay dhacday gelinkii hore ee maanta, isla markaana goobta la weerarayay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeynta ka dhacday Saakow, balse badanaa Al-Shabaab ayaa looga baran inay ka hadlaan weerarada duqeymaha ah.

SOMALI NEWS

To Top