WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweynaha Maamulka Khaatumo oo maanta Booqasho ku tagay Jaamacadda Boorama iyo Ardeyda oo soo dhaweeyay-Video

Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo State Dr Cali Khaliif Galaydh  ayaa maanta Booqasho ku tagay Magaalada Boorama ee XaruntaGobalka Awdal kadib socdaal uu kaga anba baxay magaalada Hargeysa oo uu ku sugnaa.

Ujeedka socdaalka madaxweynaha mamulka Khaatumo ayaa sidii uu usoo booqan lahaa Goobaha taariikhiga ah ee Magaalada Boorama Khaas ahaan Jaamacadda Boorama ee Camuud oo uu Madaxweynuhu kamid ahaa Ardeydii ugu horaysay ee 580-dii Boorama ka galayd Dugsigii Sare ee la odhan jiray Camuud.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweyne Galaydh ayaa maalmahan waxaa uu socdaalo ku joogy iyo howlo shaqo wadamada Kenya iyo Jaabuuti isaga oo Diyaarad ka raacay magaalada Hargeysa waxaana la filayaa in uu sida ugu dhakhso badan kusoo laabto magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobalka Cayn.

 

SOMALI NEWS

To Top