WARARKA SOOMAALI

Daawo:Banaanbax Balaadhan oo lagu tageersan yahay 100-kii Maalmood ee Farmaajo Xilka hayey oo Muqdisho ka dhici doona-Video

Abaabul iyo Diyaar garow xooggan ayaa loogu jira banaan bax weyn oo lagu taageerayo boqolka maalmood ee Madaxweyne Farmaajo, kaasoo lagu wado inuu berri ka dhaco Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium ee degmad C/casiis.

Banaan baxan ayaa noqonaya kii u horeeyay noociisa oo lagu muujinayo taageerada dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo dhameysatay boqol maaalmood.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada diyaar garowga ugu weyn qaban qaabada munaasabada, iyadoo lagu wado in kumanaan dadweyne oo laga keeno degmooyinka ay ka qeyb galaan banaan baxa.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu wargeliyay in degmadiiba ay ka keenaan illaa 1,000 dadweyne oo ka qeyb qaata banaan baxa.

Inkastoo maalin Ramadaan tahay, hadana waxay dadweynaha saacado qoraxda istaagi doonaan, inta uu socdo banaan baxa.

Diyaar garowga oo ahaa mid maalmihii la soo dhaafay soo socday, ayaa waxaa qeyb ka ah sugida amniga goobta ay ka dhaceyso banaan baxa, iyadoo la xiri doono jidad badan oo magaalada ku yaalla.

Madaxweyne Farmaajo iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ayaa lagu wadaa inay ka soo qeyb galaan banaan baxa, waxaana Madaxweyne Farmaajo uu jeedin doonaa khudbadiisa u horeysay oo fagaare ah oo uu shacabka uga warbixin doono waxyaabihii u qabsoomay boqolka maalmood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u balan qaaday in khudbad u jeedinayo shacabka, waxaana ujeedka ugu weyn ee loo qabanayo banaan baxa ay tahay khudbada uu shacabka fagaare uga jeedinayo.

Boqolka maalmood ee Madaxweyne Farmaajo xafiiska joogay waxaa dadka qaar tilmaameen in waxyaabo kala duwan u qabsoomeen dalka, halka dadka kalena ay dhaliilaan safarada badan ee Madaxweynuhu galay, iyadoo mudada boqolka maalmood ee uu xafiiska joogayna uu 26 maalmood dalka ka maqnaa.

Si kastaba ha ahaatee banaan baxa berri ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ugu ballaarnaa ee ka dhaca Muqdisho, tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii Madaxweyne Farmaajo oo dadweyne fara badan ay ka dhigeen Muqdisho iyo gobolada kale isu soo bax soo dhoweyn ah.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top