WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madax ka socota Sucuudiga oo ku sugan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Farmaajo oo Cadaadis xoogan lagu hayo-Video

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa madaxtooyada ku qaabilay Wafdi Wasiiro iyo saraakiil ah oo ka socday dowladda Sacuudiga.

Wafdigan oo uu soo diray Boqorka Sacuudiga ayaa waxaa ay madaxweyne Farmaajo ugudbiyeen codsi ka socday boqortooyadda Sacuudiga taas oo aheyd iney ka laabato go’aanki dhex dhexaadnimada ahaa ee ay Soomaaliya ka qaadatay xariirkii ay Carabtu ujareen dalka Qatar.

Arintan oo dood dheer laga yeeshay ayaa la ogaanayaa inaan wali wax xal ah laga gaarin, waxaana Sacuudiga uu ku cadaadinayaa dowladda Soomaaliya iney xariirka ujarto Qatar.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

 

Wasiiro ay dowladda Soomaaliya udirtay dhawaan dalka Sacuudiga si ay heshiisyo ula soo saxiixdaan ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib markii lagu wargeliyay in mashaariicdaas aysan xiligan suuragal aheyn maadaama Soomaaliya aysan qaadin talaabo lamid ah tii Carabta.

Si kastaba, madaxweyne Farmaajo oo uu haysto cadaadis xoogan ayaa la filayaa inuu dhawaan saxaafada hor yimaado si uu ufaah faahiyo arinta la xariirta Khilaafka CARABTA.

 

SOMALI NEWS

To Top