WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Maaliyadda Kooxda Barcelona oo laga mamnuucay Dalka Sucuudiga iyo Xiisada oo meel Xasaasi ah gashay-Video

Xayiraada lagu hayo dalka Qadar ayaa gaaray heer aad u sareeya iyadoo haatan lugaha la gashay arrimaha ciyaaraha,waxaana boqortoyada Sacudi Carabiya ay soo saartay sharci ka mamnuucaya shacabka ku nool dalkeeda inay xirtaan maaliyada ay ku ciyaarto naadiga Barcelona maadaama uu ka muuqdo magaca  shirkada diyaaradaha ee Qatar Airways.

Inaad ku xirato maaliyada Barcelona magaalooyinka Sacudi Carabiya waxaa lagugu ganaaxayaa lacag gaareysa £120,000 iyo weliba xarig 15 sano ah sida ay qortay DailyMail.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Xiisada ka jirta Khaliijka ayaa ee u dhexeysa dalka Qatar iyo wadamada ka soo horjeeda ayaa saameyn ku yeelatay haatan meel walba iyadoo hore dowlada Sacudi Carabiya ay ku dhowaaqday in ganaax iyo xarig uu mutaysanayo qofkii lagu arko isagoo daawanaya taleefishinka Aljazeera.

Barcelona ayaa afartii sano ee la soo dhaafay waxaa maalgelin ay ka helaysay shirkada Qatar Airways balse waxaa la filayaa in dhamaadka sanadkan uu ku soo gabagaboobo heshiiskooda.

Maaliyada uu xirto laacibka reer Argentina ee u ciyaara Barcelona Lionel Messi ayaa ah tan caalamka ugu iibsiga badan leh maadaama ciyaartiisa dad badan ay aad u xiiseeyaan.

 

SOMALI NEWS

To Top