WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dowladda Qadar oo si maadeysi ah uga jawaabtay hadalkii maamulka Hargeysa ee Qosol jabka ahaa-Video

Dowladda Qatar ayaa si maadeysi ah uga jawaabtay go’aankii Somaliland ay ugu sheegtay iney xariirkii ujartay dalkaas.

Hogaamiyaha Maamulka la magac baxay Soomaaliland ayaa sheegay in Hawadda Somaliland aysan isticmaali karin diyaarada Qatar, balse taas ayaa noqotay hal bacaad lagu lisay oo aysan waxba ka hirgalin.

Diyaarada Qatar ayaa si aan joogsi laheyn u isticmaaleysa Hawadda Soomaaliya oo ay ku jirto tan deegaanadda Somaliland, laakiin wasiir uhadlay Somaliland ayaa si nooc kale ah ku micneeyay iney wax ka qaban waayaan Diyaaradaha Hawadooda isticmaaleysa.

HALKAN KA DAAWO HADALKA WASIIRKA DUULISTA HAWADA

 Waxaa uu sheegay Wasiirku in wali go’aankoodu taagan yahay, laakiin ciladu ay tahay in Hawadda aysan maamulin iyaga oo ay QM Maamusho taas oo la macn ah in aysan waxba gacanta ugu jirin ee ay Riyo maalmeed isku maaweelinayaan.

Ninka ugu magacaaban Wasiirka Duulista iyo Hawada maamulkaas ayaa isaga oo ka xun arrintan uusan waxba ka qaban karin wuxuu sheegay in aysan Hawadooda mardambe isticmaali doonin Diyaarada Qadar oo ay la socdaan lambarkeeda iyo noocyada Diyaradaha,lakiin wuxuusan is waydiin aad la socotide,maxaad ka qaban karaysaa Diyaaradda Qadar AIRWAYS?

HALKAN KA DAAWO GO,AANKII QOSOLKA BADNAA EE MAAMULKAAS

Maamulka la magac baxay Soomaaliland ayaa mararkan oo kale waxaa lagu yaqanaa in uu ku jaahwareero Siyaasadaha adduuunka,waxaad arkaysaa Siilaanyo oo Ingiriiska warqad Tacsi ah u diraya oo aysan gaadheyn xasiishkana lagu darayo iyo Siyaado kale oo ay dhexda isaga fadhiistaan sidan oo kale,Reer Xamarku waxay ku maahmahaan,,In lagu xanto in lagu xasuustaa ka horaysa,,.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top