WARARKA SOOMAALI

Daawo:Macalinkii Farmaajo oo ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Dowladda Farmaajo iyo arrin uusan Filayn-Video

Mid kamid ah macalimiintii wax soo bartay madaxweynaha DF Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in beeshiisa ay dhibane unoqoto wiilkii uu isaga wax soo baray.

Muxyadiin Xasan Darbo oo soo noqday Guddoomiyihii hore ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa sheegay in beeshiisa Galmaax Yoonis aysan xataa hal wasiir ku yeelan xukumada Soomaaliya taasna ay tahay mid uu aad uga careysan yahay.

Waxaa uu sheegay inuu la yaaban yahay in madaxweyne Farmaajo uusan xataa macalinkiisii ku qancin beeshiisa iney xil ka hesho dowladiisa, maadaama Cali Maxamed Geedi uu macalinkisii Saalim Caliyoow Ibroow ka dhigay wasiir si uu uga duceysto.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Ma taqaanaan Sababta uu Cali maxamed Geedi u noqday Ra’isulwasaarihii ugu waqtiga dheeraa? Wuxuu ku noqday macalinkiisa Saalim Caliyow Ibroow ayuu ka duceystay, isagoo ka dhigtay wasiirka Maaliyadda, aniga maanta Farmaajo wasiir iga dhig ma dhihine, balse haddii uu beesheeda wax ka dhigi waayo, xukunkiisa meel ma tagayo”ayuu yiri Muxyadiin

“ Xukunkiisa meel ma tagayo, sababtoo ah macalinkaaga aan ahay wax yar maahan, beeshaan xoogga badan waa inuu wax ka dhigaa, weli waxaa nagu jiro dowladda Jaceyl, balse haddii dowlad jaceylka saan kusii socoto la islama daganaan doono, waxaana u digayaa baarlamaanka Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dhanka kale Darba weyne ayaa isagoo la hadlayay boqolaal beeshiisa ah sheegay ineysan ka beel ahaan bixin doonin wax canshuuraad ah ayna diyaar uyihiin iney dagaalamaan hadii xaqooda la siin waayo

“waxaan dagnaa 17 degmo, hadii dagaal loo baahdana waxaa nahay kuwa ugu geesisan, waana dagaalameynaa”ayuu yiri macalinkii Farmaajo.

Beeshan iyo beelo kale ayaa ka cabanaya saami qeybsiga dowlada Soomaaliya iiyagoo sheegaya ineysan helin xaquuqihii ay ubaahnaayeen.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top