WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maamulka Garoowe oo Qaaday Wadadii Somaliland,Xili 23 kun oo Arday u Fadhiisanayaan Imtixaan deegaankooda-Video

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Soomaaliya C/Raxmaan Daahir Cismaan ayaa shaaca ka qaaday in sabtida soo aadan oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20-ka May loo fadhiisan doono imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyadda sare.

Imtixaankan ayaa waxaa ka qeyb gali doona 23 kun oo arday, waxaana uu ka kala dhici doonaa xarumaha afar maamul goboleed iyo magaaladda Muqdisho.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Maamulada K/Galbeed, Hiirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland ayaa dhamaantood ka qeyb galaya imtixaanadan, laakiin arinta lama filaanka ku noqotay dowladda ayaa ah in maamul goboleedka Puntland uu diiday inuu ka qeyb galo imtixaanka.

Maamulka Puntland oo ay aheyd inuu sanadkan ka qeyb galo imtixaanka qaranka ayaa haatan go’aan ku gaaray inuu imtixaan madax banaan sameysto waxaana lamid ah maamulka Somaliland.

Dhanka kale, imtixaankan shahaadiga ah ayaa waxaa ay dowladu udiyaarisay qorshooyin cajiib ah oo ay kamid yihiin ilaalinta dhanka amaanka iyo koontaroolka ama la socoshada imtixaanka.

SOMALI NEWS

To Top