WARARKA SOOMAALI

Daawo:Maamulka Garoowe oo kala doortay Madaxweynaha u fiican Farmaajo iyo Xasan Shiikh-Video

Wasiirka Arimaha gudaha iyo dowladaha Hoose ee maamul Garoowe Axmed Axmed Karaash  ayaa ka hadlay mowqifka Maamulka Puntland ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in hadii ay yihiin Madaxda Maamulka Puntland ay aad u taageersan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana dowladdii tan ka horeysay ay ka waayeen xaquuqdii ka maamul ahaan ay ku la haayeen,waxa uuna yiri”

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Dowladda hada jirta ee Farmaajo iyo Kheyre waan taageersanahay laakin anaga dowladdii tan ka horeysay ayaa na dulmisay oo aan ka weynay xaqeenii, waxayna noo aheyd sacii cirka ka soo dhacay ee Dhurwaaga nagu noqday, laakin tan hada jirto rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa ayuu yiri Axmed Karaash”

Maamulka Puntland ayaa horay u dhaliili jiray dowladdii uu hoggaamin jiray Xasan Sheekh Maxamuud waxaana xusid mudan in dhowr mar Garoowe lagu qabtay shir lagu dhex dhexaadinayay maamulka Puntland iyo dowladii uu madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

 

SOMALI NEWS

To Top