WARARKA SOOMAALI

Daawo:Haddii Doorashada Mamulka Somaliland Muuse Biixi ku shubto Maxaa dhici kara,Heerka Musuq Maasuqu ee Doorashadu xaguu marayaa,Warbixin Xasaasi ah-Video

Hadii Muuse Biixi oo aad loogu eedeynayo Musuq Maasuq iyo wax is daba marin badan intii Doorashada Maamulka Somaliland socotay taas oo lumisay kalsoonidii ay ku qabeen xubnaha la tartamaya iyo dhamaan bulshada caalamka ee sida dhow ula socotay Doorashada uu Kusoo baxo maxaa dhici kara ayaa aad loo hadal hayaa.

Dad badan waxay leeyihiin Doorashada haduu Muuse kusoo baxo eedo kasta iyo wax is daba marin kasta ha sameeyee waxaa baaqan doonta dhib iyo dhiig badan oo uu daadin lahaa Muuse Biixi .oo Cabdiraxmaan Cirro ayaa roon ayey leeyihiin in uu dhaco si loo kala bad baadiyo Beelaha Somaliland.

Balse Dad badan ayaa leh Beesha Habar Yoonis way adag tahay in ay aqbasho natiijo aysan guusheeda iyagu gacmaha u hoorsan oo kasoo bidhaanta Gudiga Doorashada ee Somaliland,waxaana markiiba tusaale inoogu filan wixii xalay ka dhacay Hargeysa iyo Burco.

Dhanka kale Qaar kamid ah Dhalinyarada Beesha Habar Yoonis oo shir balaadhan ku yeeshay Bariga Gobalka Sanaag ayaa si cad u sheegay in aysan aqbali doonin in Muuse Biixi iyo Kooxdiisu ku shubtaan Doorashada Maamulkaa taa soo hada Muran xooggan hadheeyay.

Dhalinyaradan kulanka ku yeeshay sanaag ayaa waxa uu hadalkoodu kusoo beegmayaa xili xaalada Maamulka Somaliland ay mareyso meel xasaasi ah isla markaana laga Cabso qabo dagaal belee ka dhex qarxa labada Beelood ee Tartanka Doorashada ugu cad cad.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Dhanka kalena hadalka dhalinyaradan ku dhaartay in aysan aqbali dooni guul darada ayaa kusoo aadaya xili habeenkii xalay ay faraha ka baxday xaalada magaalooyinka waa weyn ee Maamulka Somaliland ka arimiyo sida Burco,Hageysa iyo Ceerigaabo oo Mudahaarado Rabshada wataa ay hadheeyeen dadna ay ku dhinteen kuwa kalana ku dhaawacmeen.

Gudiga Doorashada Maamulka Somaliland oo xalay goor dambe oo saq badhkii ah la hadlay qaar kamid ah warbaahinta ayaa sheegay in aysan jirin wax doorasho ah oo lagu shubtay isla markaana warkaas uu yahay waxba kama jiraan.Balse wuxuusan daah saareen in Muuse Biixi iyo Kooxdiisu dadaal dheer  ugu jiraan isla markaana geed dheer iyo mid gaabanba u korayaan sidii tab iyo xeelad kasta ay kursigaad ugu guuleysan lahaayeen.

Heerka musuq maasiqa ayaa gaadhay halkii ugu xumaa Doorashada Maamulka Somaliland iyadoo Beesha Caalamka iyo xubnaha Korjoogayaashuba ay xaalada walaac ka muujiyeen isla markaana ay dhaleeceeyen.

Fadeexadaha waa weyn ee ilaa hadda soo baxaya waxaa kamid ah in Caruur codeysay iyagaan gaadhin wakhtigii loogu tala galay sawiradda ayaa muujinaya in goobaha qaar lagu arkayey carruur ad u da,yar oo qaadanaya kaadhka cod bixinta taas oo ah wax laga yax yaxo iyagoo hadalkoodana ay kusoo qaateen Xubnaha Kormeerayaashu.

Faragalinta wadamada danaha leh ayaa iyaduna waxaa ay gaadhay halkii ugu xumeyd iyadoo la sheegayo in Imaaraadku uu warqado Been abuur ah ka faafiyey qaybo badan oo kamid ah Somaliland.

Maanta ayey ahayd in ay ku dhawaaqaan Gudiga Doorashooyinku natiijadada iyo cida ku guuleysatay doorashadii Somaliland looga dareeray Isniintii,balse ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Gudiga ma jiraan oo ku saabsan wakhtiga rasmiga ah ee la shaacin doono natiijada.

Lama oga wax ay ku danbeyn doonto xaalada Maamulka Somaliland oo wakhti xaadirkan ah mid xasaasi ah,isla markaana aad looga cabsi qabo in Dagaal dhaco,haddii uu Doorashada ku guuleysto Muuse Biixi oo lagu eedeynayo Musuq Maasiq baahsan iyo ku shubasho uusan u aabe yeelin.

Horufadhi Media.com

 

SOMALI NEWS

To Top