WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dhalinyarada Beesha Habar-yoonis oo ku dhaartay in ay Muuse Biixi Dagaal la gali doonaan haduu Doorashada ku shubto-Video

Qaar kamid ah Dhalinyarada Beesha Habar Yoonis oo shir balaadhan ku yeeshay Bariga Gobalka Sanaag ayaa si cad u sheegay in aysan aqbali doonin in Muuse Biixi iyo Kooxdiisu ku shubtaan Doorashada Maamulkaa soo hada Muran xooggan hadheeyay.

Dhalinyaradan kulanka ku yeeshay sanaag ayaa waxa uu hadalkoodu kusoo beegmayaa xili xaalada Maamulka Somaliland ay mareyso meel xasaasi ah isla markaana laga Cabso qabo dagaal belee ka dhex qarxa labada Beelood ee Tartanka Doorashada ugu cad cad.

Dhanka kalena hadalka dhalinyaradan ku dhaartay in aysan aqbali dooni guul darada ayaa kusoo aadaya xili habeenkii xalay ay faraha ka baxday xaalada magaalooyinka waa weyn ee Maamulka Somaliland ka arimiyo sida Burco,Hageysa iyo Ceerigaabo oo Mudahaarado Rabshada wataa ay hadheeyeen dadna ay ku dhinteen kuwa kalana ku dhaawacmeen.

Gudiga Doorashada Maamulka Somaliland oo xalay goor dambe oo saq badhkii ah la hadlay qaar kamid ah warbaahinta ayaa sheegay in aysan jirin wax doorasho ah oo lagu shubtay isla markaana warkaas uu yahay waxba kama jiraan.Balse wuxuusan daah saareen in Muuse Biixi iyo Kooxdiisu dadaal dheer  ugu jiraan isla markaana geed dheer iyo mid gaabanba u korayaan sidii tab iyo xeelad kasta ay kursigaad ugu guuleysan lahaayeen.

Heerka musuq maasiqa ayaa gaadhay halkii ugu xumaa Doorashada Maamulka Somaliland iyadoo Beesha Caalamka iyo xubnaha Korjoogayaashuba ay xaalada walaac ka muujiyeen isla markaana ay dhaleeceeyen.

Fadeexadaha waa weyn ee ilaa hadda soo baxaya waxaa kamid ah in Caruur codeysay iyagaan gaadhin wakhtigii loogu tala galay sawiradda ayaa muujinaya in goobaha qaar lagu arkayey carruur ad u da,yar oo qaadanaya kaadhka cod bixinta taas oo ah wax laga yax yaxo iyagoo hadalkoodana ay kusoo qaateen Xubnaha Kormeerayaashu.

Faragalinta wadamada danaha leh ayaa iyaduna waxaa ay gaadhay halkii ugu xumeyd iyadoo la sheegayo in Imaaraadku uu warqado Been abuur ah ka faafiyey qaybo badan oo kamid ah Somaliland.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Maanta ayey ahayd in ay ku dhawaaqaan Gudiga Doorashooyinku natiijadada iyo cida ku guuleysatay doorashadii Somaliland looga dareeray Isniintii,balse ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Gudiga ma jiraan oo ku saabsan wakhtiga rasmiga ah ee la shaacin doono natiijada.

Lama oga wax ay ku danbeyn doonto xaalada Maamulka Somaliland oo wakhti xaadirkan ah mid xasaasi ah,isla markaana aad looga cabsi qabo in Dagaal dhaco,haddii uu Doorashada ku guuleysto Muuse Biixi oo lagu eedeynayo Musuq Maasiq baahsan iyo ku shubasho uusan u aabe yeelin.

 

SOMALI NEWS

To Top