WARARKA SOOMAALI

Daawo:Gudoomiye yaasha laba Aqal ee Baarlamanka Somalia oo Maanta Garoowe soo gaadhay,Gaas oo soo dhaweeyay iyo ujeedka Safarka-Video

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu laabtay Garoowe, kuna soo dhoweeyey Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka dawladda Fadaraalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo Jawhar kaga qayb galay xafladda caleema saarka Madaxweynaha Hir-shebelle ayaa markii ay soo gadheen Garoowe waxaa kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, iyo boqolaal shacabka magaalada
Garoowe.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Puntland oo hadal kusiiyey warbaahinta qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa sheegay in ay shacabka reer Puntland iyo dawladdooduba ku faraxsan yihiin imaanshaha Puntland Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee wehelinayseyba, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in ay berito oo ay taariikhdu tahay 25 October2017 ka qayb gelioonaan kal fadhiga 40-aad ee Golaha wakiilada Puntland.

“Sharaf weyn bay nootahay inay Puntland yimaadaan Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee wehelinayseyba ay beritona ka qayb galaan furitaanka kal fadhiga 40-aad ee golaha wakiillada dawladda Puntland, runtii waa markii ugu horeysey oo ay Puntland yimaadaan ka qayb galaan kal-fadhiga Baarlamaanka Puntland” ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Waxay taasi ka turjumaysaa horumarinta fadaraaliisamka Soomaaliya ay qaadatay in Baarlamaanada dalku ay yeeshaan xidhiidh gaara, inay isasoo booqdaa, inay isu yimaadaan, inay wada shaqeeyaan, ka wada shaqeeyaan horumarinta iyo samaynta shuruucda dalka ay wax iskaga og yihiin waxa lawada leeyahay oo Soomaali kawada dhexeeya inay noqoto ayaan rabnaa oo lawada shaqeeyo, kusoo dhowaada dalkiinii meel kale maydaan tegine Soomaaliya meel kamida oo laydin ka jecel yahay ayaad timaadeen ” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Ahna guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dawladdaha Xubnaha ka ah DFS ayaa shaaciyey isagoo ku hadlaya afka golaha in ay aqbaleen gogosha wadatashi ee uu fidiyey Madaxweynaha dawladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

” Madaxweynaha dawladda Fadaraalka Soomaliya ayaa noosoo diray casuumad 28-ka bisha October 2017 inaanu isugu nimaadno xamar, waxaan rabaa inaan sheego anigoo ku hadlaya magaca dawladdaha xubnaha ka ah Dawladda Fadaraalka Soomaaliya inaan aqbalay casumaaddaas kana qayb gelayno shirkaa isaga ah” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Guddoomiya Golaha Wakiillada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa dhankiisa Puntland kusoo dhoweeyey masuuliyiinta labada aqal ee Baarlamaanka DFS, isgoona sidoo kale Guddoomiyuhu u xaqiijiyey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in dalku amni yahay, uuna ku faraxsan yahay in uu Madaxweynuhu soo laabtay dalkoo nabada iyo isagoo nabad ah.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ahna kusimaha Madaxweynaha dawladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane. Maxamed Cismaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabullaahi ayaa dhankooda ka mahad naqay soo dhoweynta balaadhan ee ay ku qaabileen shacabka magaalada Garoowe iyo masuuliyiinta dawladduba, waxaana ay tilmaameen in Puntland ku talaabsatay horumar lixaadle, Soomaaliya oo dhanna ay u tahay hormuud iyo tusaale dhaba, isla markaana waxa ay si wada jira ugu baqeen in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top