WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo gaadhay Dalka Jabuuti soo dhaweyn balaadhan iyo kulan dhexmaray labada Madaxweyne-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, waana safarkii u dambeeyay ee socdaalka uu ku marayo dalalka deriska ah ee Ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Jabuuti Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yuusuf.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la yeelan doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo si qoto dheer uga hadli doona xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo kaalinta Jabuuti ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Jabuuti oo xilligan ah Hoggaanka Ciidamada AMISOM ayaa waxaa madaxweyne Farmaajo kala hadlayaa madaxdeeda sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo maray dalalka Itoobiya iyo Uganda, waxaana uu kala hadlay madaxda dalalkaas sidii loogu taageeri lahaa gulufka ay dowladdiisa ku qaadeyso Al-Shabaab.

Madaxda Itoobiya iyo Uganda ayaa Madaxweyne Farmaajo u muujiyay garab-istaag iyo inay ka wada qeyb qaataan dagaalka Argagixisada

SOMALI NEWS

To Top