WARARKA SOOMAALI

Daawo:Golaha Wasiirada Galmudug oo eedo culus dusha ka saaray Dowladda Farmaajo iyo hal arrin oo ay ka codsadeen-Video

Golaha Wasiirada maamulka Galmudug oo shalay gelinkii dambe kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegeen in Dowladda Federaalka weli ay faragelin muuqata ku heyso Galmudug.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan (Masagawaa) ayaa sheegay in Golaha Wasiirada ay ka digayaan cawaqib xumada ka dhalan karta in kooxdii laga soo abaabulay villa Somalia ay soo saaraan go’aano kale kuwaas oo qalqalin kara amniga.

Sidoo kale wuxuu sheegay (Masagawaa) in Dowladda Federalka ee Soomaaliya uu Goluhu u soo jeedinayo inay ilaaliso hanaanka Federaal-ka dalka islamarkaana ay ka shaqeyso xasilooni siyaasadeed, taas oo dalka u horseedi karta horumar iyo midnimo.

Dhinaca kale xildhibaanadii sheegay in ay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug (Xaaf) oo kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegeen in ay doorteen Guddiga Doorashada Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa waxa ay u doorteen Maryan Cali Abtidoon, kadib hadal ay warbaahinta siisay waxa ay ku sheegtay in 22-ka bishan ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha.

 

SOMALI NEWS

To Top