WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:Maxaa ka jira in Ciidamadii Mukkhtaar Roobow ku biireen kuwa Koonfur Galbeed,Wararkii ugu danbeeyay iyo Xiisad-Video

C/qaadir C/raxmaan Cali oo ah Wasiiru Dowlaha Amniga maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa Waxa uu ka hadlay Howlgalada ka socda degaanada Koonfur Galbeed, ee lagula dagaalamayo Kooxda Al-shabaab.

Howlka ayuu sheegay iney ka socdaan deegaanada Koonfur galbeed kuwaasi oo ay si wada jir ah isaga kaashanayaan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Ciidamo daacad u ah Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

C/qaadir C/raxmaan ayaa sidoo kale in ay isku xiran yihiin Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Abuu Mansuur, arrintana ay u tahay dhiiragelin, ku qasbeysa in ay sii kordhinayaan Howlgalada ka socda Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay Wasiiru Dowlaha Amniga maamulka Koonfur Galbeed in Roobow uu yahay nin jecel dadkiisa, tan iyo markii uu wada hadal la yeeshay Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed in uu u soo jeestay in uu difaaco dadkiisa iyo dalkiisa.

Degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Koonfur Galbeed iyo ururka Al-shabaab oo ku sugan degaano iyo degmooyin ka tirsan maamulkaasi, iyada oo Koonfur Galbeed ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee Al-shabaab ay uga saareyso degaanadeeda.

 

SOMALI NEWS

To Top