WARARKA SOOMAALI

Daawo:Cabdikariin Guuleed oo ka markii ugu horaysay ka hadlay xaaladda Qasan ee Galmudug iyo cida uu farta ku fiiqay ogow-Video

Madaxweynihii Hore Ee Dawlad Gobolleedka Galmudug C/kiriin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu mar kale ka hadlay Xaalada Siyaasadeed Ee Kasoo cusboonaatay Galmudug.

C/kiriin ayaa si qoto dheer uga waramay bilow ilaa dhamaad waxa ka socda Galmudug iyo Shakhsiyaadka abaabulay in ay hormar gaari weyso Maamulkaasi.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Mr Guuleed oo deggan Turkiga ayaa waxa uu sheegay in dhib badan iyadoo Galmudug laga soo maray ay hadana dad doonayaan inay kor ukici weyso ay ku farxayaan.

Waxa uu farta ku fiiqay in Xildhibaanada aan kasoo jeedin Habar Gidir iyo Shiikhaal intaan ka aheyn ay duminta Lacag uga soo qaateen Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya.

 

Axmed Shariif oo ah siyaasi Xilka Maamulka Galmudug utartamay mar ayaa ka mid ah kuwa bur burinta Galmudug usoo tafa xeetay.

Warar ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir oo Beesha Murusade kasoo jeeda iyo Xildhibaano kale ay doonayaan in ay Awood Ballaaran ku dhex yeeshaan Maamulka Galmudug dabinka Dumintana ay iyagu maleegeen.

SOMALI NEWS

To Top