WARARKA SOOMAALI

Daawo:Cabdiweli Gaas“Waxaan ku baaqayaa in Galmudug arrinteeda loo daayo oo ay iyagu heshiiyaan,,Muxuu ka yidhi joojinta Heshiiskii Dp-Wolrd-Video

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa mar kale ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Mas’uuliyiinta sare ee Maamulka Galmudug, isagoo ku baaqay in maamulka loo daayo arrimihiisa, si ay uga heshiiyaan.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

C/wali Gaas oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay u maareysay xaalada Galmudug, si aan laga fileyn, isagoo xusay in Galmudug ay tahay maamul cusub oo aan loo baahneyn in shiddo laga abuurin.

“Arrinta xil ka qaadista Galmudug, sida loo maareyo si ka duwan in loo maareeyo ayay aheyd, dadka la isku soo dhoweeyo, waa maamul cusub oo inuu dhismo la rabo, in aan shiddo laga abuurin, laakiin waxaa moodaa si aan ka fiirsi laheyn loogu deg degay”ayuu yiri C/wali Gaas.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in loo madax banaaneeyo in dhexdooda heshiiyaan oo si nabagelyo ku jirto ku dhameystaan howshooda.

Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Jubbaland ee ka dhacaya Kismaayo, waxaa uu tilmaamay in shirkaas looga tashanayo waxa ay wadaagaan maamul goboleedyada, iyo waxa ka dhaxeeya iyaga iyo dowladda Federaalka.

C/wali Gaas ayaa sheegay in iyaga oo ah dowlad goboleedyada aysan ka hor-jeedin dowladda Federaalka, waxaa uu xusay in wixii dowladda ku wanaagsan tahay lagu taago, wixii ay ku qaldan tahay in la tilmaamo oo si wanaagsan dalka loogu shaqeeyo, arrimaha masiirka dalka wax la iska weydiiyo.

Khilaafka wadamada Khaliijka ayaa saameyn ku yeeshay nidaamka Federaalka ee Soomaaliya, kaddib markii qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay taageereen Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, iyagoo ka soo horjeestay mowqifka dhex dhexaadnimo ee dowladda Federaalka qaadatay.

 

SOMALI NEWS

To Top