WARARKA SOOMAALI

Daawo:Beesha Habargidir oo war lama filaan ah kasoo saartay Xiisadda ka taagan Cadaado,,Doorasho laguma qaban karo-Video

Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Saleebaan ee Habargidir, ayaa waxay diideen in wax doorasho ahi lagu qabto Magaalada Cadaado, illaa iyo inta lagu kala baxayo Dastuurka Galmudug.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Ka dib kulamo ay Odayaasha Dhaqanka ku lahaayen Magaalada Cadaado, ayaa waxay soo fara-geliyen xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada, iyagoona caawa soo saaray bayaan shan qodob ka kooban.

Odayaasha Reer Cadaado ayaa caawa ka hadlay Qilaafka Galmudug Waxayna Kasoo Saareen War Saxaafadeed ka Kooban 5 Qodob.

1 in Cadaado aan madaxweyne lagu dooran inta laga xalinayo xiisada siyaasadeed

2 in lagu kala baxo Dastuurka u yaala Galmudug

3 in amniga magaalada Cadaado uu yahay lama taabtaan

4 in madaxweynaha uu furo garoonka diyaaraha Cadaado

5 in dowlada Somaliya ay ka shaqeyso hormarka Galmudug oo aysan ka shaqeyn dib u dhaca Galmudug.

SOMALI NEWS

To Top