WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:Xildhibaanada ka soo jeeda Puntland ee ku sugan Muqdisho oo wada Mooshin Kursiga lagaga tuurayo Cabdiweli Gaas,eedo Xaraashka Dekedda Bosaaso-Video

Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya kana soo jeeda deegaanada Puntland ayaa hadda wada mooshin ka dhan ah madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Mooshinkan ayaa waxaa looga soo horjeedaa heshiiska dekedda Boosaaso ee Cabdi Weli Gaas uu la galay shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Xildhibaanada dawlada federaalka ee laga soo doortay deegaanada Puntland ayaa gudoonka baarlamaanka u gudbiyay mooshin ka dhan ah heshiiska oo ay ugu yeereen mid qiyaano qaran ah.

Xildhibaanad Sacdiyo Salaad oo ka mid ah xildhibaanada gudbiyay mooshinka oo waraysi siisay idaacada VOA, ayaa si adag ugu dhaliishay hogaanka Puntland, sida mas’uuliyad xumada ah ee ay lacagta yar ugu badasheen dalkii iyo dadkii ay mas’uuliyada u qaadeen.

Waxay sheegtay Xildhibaanad Sacdiya ineysan marnaba u dul qaadan doonin dhibaatada lagu hayo Shacabka Puntland,islamarkaana ay doonayaan iney la xsaabtan dhab ah la imaanayaan.

 

SOMALI NEWS

To Top