WARARKA SOOMAALI

Daawo:Garaad Jaamac Muxuu ka yidhi rabshadihii xalay ka dhacay Burco iyo Hargeysa,Doorashada Maamulka Somaliland-Video

Waxaa goordhaweyd warbaahinta Kula hadlay Magaalada Lascaanood ee xarunta Gobalka Sool Garaad Jaamac Garaad ismaaciil oo kamid ah Isimada dhaqanka,Garaad Jaamac ayaa ka hadlay Shaqaaqadii ka ka dhacday xalay qaybo kamid ah Deegaanada Maamulka Somaliland ee ku saabsaneyd Doorashada.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Garaad Jaamac ayaa ugu baaqay Gudiga Doorashada ee Maamulka Somaliland in aysan cidna u eexan isla markaana ay cadaalada ilaaliyaan,shacabka ayuu iyagaana ugu baaqay in ay nabadda iyo xasiloonida ilaaliyaan.

Musharaxiinta u tartamaya doorashada Somaliland ayuu iyagana mid kasta dhankiisa ula dardaarmay wuxuuna sheegay Garaad Jaamac in mid kii Guulestaaba uu u hambalyeeyo midka kale, Wuxuuna Xusay in Hada Hartigu uu kusoo biiray Somaliland oo Ilaashanayo dhankiisa, Siduu hadalka u dhigay.

 

SOMALI NEWS

To Top