WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Maxaa ka jira in lagu shubtay Doorashadii Maamulka Somaliland,Xiisad culus oo ka taagan Hargeysa iyo Burco-Video

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka maamulka Somaliland C/qaadir Iimaan Warsame ayaa beeniyay wararka sheegaya Doorashadii Isniintii ka dhacday Somaliland in ay noqotay mid lagu shubtay.

Wuxuu sheegay in ay qalad tahay dadka qaar in ay baraha bulshada soo dhigaan in ku shubasho ay dhacday, wuxuuna tilmaamay muhiim in ay tahay natiijada in looga dambeeyo Guddiga Doorashada.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sidoo kale C/qaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay xisbi kasta oo cabasho qaba in ay diyaar u yihiin in ay xaliyaan, wuxuuna shacabka ka dalbaday in ay isdejiyaan, xilligana aanan loo baahneyn in dhimasho ay dhacdo.

Dhanka kale ugu yaraan Toban ruux, ayaa waxaa la sheegay inay ku dhimatay shaqaaqooyin xalay fiidkii ka kala dhacay Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ee Somaliland.

Shaqaaqooyinkan, ayaa waxay ka dambeeyeen markii ay soo baxeen warar sheegaya in Xisbiga Kulmiye uu ku shubtay doorashadii maalintii Isniintii ka qabsoomtay Degaanada Somaliland.

SOMALI NEWS

To Top