WARARKA SOOMAALI

Daawo:Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo taageeray Shirka isimadda Buuhoodle iyo Hadalo adag oo uu usoo jeediyey Bulshada SSC-Video

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa wuxuu Ku baaqay in laga Qayb galo Shirka Isimadu dhaqanku ay ku Baaqeen ee Buuhoodle, Wuxuuna xusay in Shirkaasi looga hadlayo Xaalada deegaanka ka jira oo Siyaasad ayna ku jirin Siduu hadalka u dhigay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay inay Shirkaasi kasoo qayb geli karaan Xubnaha xilalka ka haya Somaliland, Puntland iyo Khaatumo “Shirka Buuhoodle waan soo dhowaynayaa, waanu ka qaybgelaynaa, Fikrada aanu Qabno waan ka jeedin doonaa, waxaa la is waydiinayaa Waa Danta Ummada, Dhaqan Weeye, Qofkasta oo Dhulbahante ah waa u furan yahay”Ayuu yidhi.

Isagoo ka hadlaya Xaalada deegaanka ku gadaaman ayuu yidhi “Dadku sidan kuma Jiri karo, Qofku wuxuu diidan yahay waa inuu ka Midho dhaliyo, Waan iska Fadhinayaa waxna waan Tabanayaa, Hadal uunbaan ku Jiraa dadka Dantooda ayaa ku Lumaysa “ Ayuu yidhi

SOMALI NEWS

To Top