WARARKA SOOMAALI

Daawo:Badhan kulan lagaga Soo hor jeedo Muuse Biixi iyo Maamulka Somalind oo ka dhacay-Video

Waxaa magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag Kulan ka dhacay  Fariin loogu diray Dawladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana siwayn looga soo Horjeestay Maamulka Somaliland iyo Faragelin uu ku Hayo deegankaasi.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxay sheegeen inay yihiin Dad Soomaaliyeed kana soo Horjeedaan Fikerka Goonigoosadka ee Beesha Isaaq oo magacii Gobolada Waqooyi dusha ku Qaadatay Sida ay hadalka u dhigeen. “Muuse Biixi yaad mujaahid ku tahay , Soomaali kale ayaad dishay, Somaliland dooni Mayno oo Sun-bay wadaa, Sanaag waa in laga Sifeeyaa intaa ku sugan” 

Kulankan ayaa waxaa soo Qaban-qaabiyey Haweenka ku dhaqan magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, Wuxuuna kusoo beegmayaa Xili dhowaan  uu Muuse Biixi Booqasho ku tagay Qaybo kamid ah Sanaag.

SOMALI NEWS

To Top