WARARKA SOOMAALI

Daawo:Farmaajo oo kulan Xasaasi ah la qaadan doona Madaxda Mamulada Somalia ka jira iyo Cabdiweli Gaas oo markii ugu horeysay-Video

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Muqdisho isugu yeertay Madaxda maamul goboleedyada dalka, iyadoo lagu wado inay La kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wararka ayaa sheegaya in kulamadan looga hadlayo arrimaha shirka London iyo sidii dowladda Federaalka u hoggaamin laheyd shirkaas, Ilo dhinaca diblomaasiyada ayaa sheegaya in laga cabsi qabo inuu dhaco jiro is bar-bar yaac madaxda qaarkood ee ka qeyb galka shirka London.

Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in shirka uu noqdo mid guud oo masiirka dalka looga hadlo, isla markaana dowladda Federaalka ay hoggaamiso, ayna ula tagaan hal ajande oo mid ah.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa lagu wadaa inay shir guddoomiyaan shirka London ee dhici doona bisha soo socota May.

SOMALI NEWS

To Top