WARARKA SOOMAALI

Dal si caadi ah looga cuno Hillibka Eeyaha iyo Bisadaha oo hal mar qaatay Go,aan Adduunku la yaabay iyo waxa dhacay-Sawiro

Baarlamaanka Taiwan ayaa meelmariyay sharci mamnuuc ka dhigaya in la qasho bisadaha iyo eeyahaha lana cuno hilibkooda.

Sharcigan ayaa sidoo kale dadka ka mamnuucaya marka ay ku safrayaan mootooyinka ama gawaaridooda inay ku jiidaan shay uu saaran yahay xayawaan.

Qofkii lagu helaa inuu jabiyay amarradaas waxaa lagu ganaaxi doonaa lacag aad u badan ama xabsi labo sano ku dhaw iyo waliba in magaciisa iyo sawirkiisa bulshada lala wadaago.

Tallaabooyinka ayaa looga dan leeyahay in sare loo qaado shuruucda waxyeelada ka dhawraya xayawaanka dalkaas.

Go’aankan la qaaday ayaa ah mid taariikhi ah, waana shuruucdii koobaad ee noocaas ah ee laga hirgaliyo qaaradda Aasiya gaar ahaan dalalka laga cuno hilibka eeyaha iyo bisadaha.

Hilibka eeyaha ayaa mar si joogto ah looga isticmaali jiray dalkaas jasiiradda ah, laakiin hadda wixii ka dambeeya waxay u badan tahay in loo arki doono in uu qoyska ka mid yahay.

SOMALI NEWS

To Top