WARARKA SOOMAALI

Daawo:Faahfaahin Qarax Xooggan oo ka dhacay Muqdisho iyo Rasaasta oo ka socota Gudaha Hotel Safaari-Video

Warar horu dhac ah ayaa ka soo baxaya qarax weyn oo goor dhow ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Zoobe ee KM5, halkaasoo ay ku yaallaan goobo ganacsi iyo Hotelo.

Qarxa oo ahaa mid aad u weyn oo uuro iyo qiic badan ay cirka isku shareereen ayaa loo adeegsaday gaari xamuul ah, waxaana uu gil gilay magaalada oo dhan.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Xilliga qaraxa dhacayay ayaa goobta aheyd mid mashquul badan, waxaana bur bur xooggan soo gaaray dhismayaal ka ag dhow halka qaraxa ka dhacay oo u badnaa kuwo ganacsi.

Illaa iyo hada lama oga khasaaraha, hase ahaatee waxaa la sheegayaa in khasaaraha uu yahay mid aad u ballaaran, marka loo eego goobta uu ka dhacay oo ah mid mashquul ah.

Dad badan ayaa qaraxan ka dhacay agagaarka Isgoyska Zoobe ku soo xusuusanayaan qaraxii Hargaha iyo saamaha oo ahaa kii ugu xoogganaa, uguna khasaaraha badnaa ee soo mara magaalada Muqdisho.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

SOMALI NEWS

To Top