WARARKA SOOMAALI

Daawo:R/wasaare Kheyre oo ku dhawaaqay qorshe lagu badelayo 26 Agaasime iyo sababta oo uu ku sheegay-Video

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo goor dhow Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilowday Barnaamij cusub oo loogu tala galay in lagu simo hanaanka shaqadda.

Waxaa uu sheegay in dowladda Shaqadda ku bixin doonto Karti iyo sidoo kale hufnaan.

HALAN RIIX DAAWO VIDEO

Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay  Guddi ka shaqeyn doona soo xulista 26 Agaasime guud oo Wasaaradaha ah, waxaana gudoomiye u ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Agaasimiyeyaasha Guud ayaa lagu dooranaaya Aqoontooda iyo kartidooda.

Waxaa uu sheegay in Agaasimeyayaasha Guud ay yihiin muhiim , maadaama ay dhacdo inta badan in la badelo wasiiradda ,laakiin ay joogto Noqdaan iyaga.

Dowladda Soomaaliya ayaa waday isbadel lagu sameynaayay xubnihii la shaqeyn jiray dowlihii hore tan iyo intii lasoo dhisay.

Agaasimeyeyaasha guud ee Wasaaraddaha ayaa qaarkood waxa ay xilalka heysteen dhowr sano.

SOMALI NEWS

To Top