WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dowlad caan ah oo qaaday talaabo Dalka Soomaaliya maanta si weyn loogaga baahan yahay,Wax ka ogow Talaabadan-Video

Ra’iisul Wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy ayaa kala diray Baarlamaanka goboleedka Catalan, isagoo ku baaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay oo dhaca dhamaadka sanadkan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Baarlamaan goboleedka Catalan ayaa shalay u codeeyay inay noqdaan dal ka madax banaan Spain, taasoo ka dhalatay jahwareer siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha Spain ayaa sheegay in la baal maray sharciga, waxaana uu xilka ka qaaday Hoggaamiyaha Catalan iyo Golihiisa Wasiirada.

Hoggaamiyeyaasha Caalamka ayaa ka soo horjeestay madax banaanida Gobolka Catalan, waxaana ay taageereen Midnimada dalka Spain.

Todobaadyadii u dambeeyay ayaa waxaa ka jiray Gobolka Catalan dibad baxyo ay dadka ku dalbanayeen madax banaani, waxaana tani ay keentay wal wal ku aadan midnimada dalkaas.

SOMALI NEWS

To Top