WARARKA SOOMAALI

Daawo:Cabdiweli Gaas oo Qaadaya Timirtii Horeba Dab loo waa iyo Xayn Wasiiro ah oo uu maanta ku dhawaaqay-Video

Madaxweynaha maamulka Garoowe Cabdiweli Gaas  ayaa maanta ku dhawaaqey gole wasiiro oo cusub oo u badan Wasiiru dowlayaal iyo wasiiro ku-xigeeno. Cabdiweli Gaas a ayaa buuxiyey xilka wasiirka Warfaafinta oo muddo 9 bilood ah aan wasiir lahayn, sidoo kale qaar kamid ah Wasiiru dowlayasha ayuu isku badley halka uu keeney kuwo cusub oo aan horey u jirin.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wasaarad aan horey u jirin ayuu sameeyey Cabdiweli Gaas waxaana loogu magacdarey Dib-udhiska iyo Horumarinta Puntland. Tirada Golaha Wasiirada ayaa noqoneysa tii ugu badneyd ee abid soo marta Puntland.

  1. Waxaa Cabdiraxmaan Barkhad Warsame Wasiirka, loo magcaabay Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka.
  2. Waxaa Cabdikhadar Faarax Shaaciye loo magcaabay Wasiirka Dib Udhiska Iyo Horumarinta Puntland.
  3. Waxaa Maxamuud Faarax Beeldaaje loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyadda.
  4. Waxaa Yaasiin Cabdi Seed loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
  5. Waxaa Cabdirashiid Cali Geele loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Amniga
  6. Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
  7. Waxaa Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore) loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka.
  8. Waxaa Aamina Maxamed Cabdulaahi loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
  9. Waxaa Cabdiweli Maxamed Yuusuf loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud.

SOMALI NEWS

To Top