WARARKA SOOMAALI

Daawo:Cabdiweli Gaas oo Caleema saarkii Xaaf hadal Xasaasi ah ka sheegay“Puntland iyo Galmudug waxay u baahan yihiin Nabad,,-Video

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyay xaflada caleemo saarka madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf.

C/Wali Gaas ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in doorashada Galmudug uu kusoo baxo Xaaf, oo uu ku tilmaamay nin nabadoon ah oo fahmi kara xalinta dhibaatooyinka ka taagan gudaha maamulkaas iyo deriska.

“Xaaf maalintii la doortay ayuu sheegay, nabada iyo dib u heshiisinta anaguna gacan ayaan ka siinaynaa, Puntland iyo Galmudug wax badan ayeey wadaagaan ganacsi iyo sokeeye iyo isu socod”ayuu yiri Cabdi Wali Gaas.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “si taasi u hirgasho waa in colaada la joojiyo , xuduudaha sharciga ahna la ixtiraamo , siyaasiyintana ay ilaaliyaan nabada gobolka”.

“2015tii Madaxweyne Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa noogu yimi Galkacayo nabada labada maamul dhexdooda awgeed, hada waxaan rajeynaya in howshii aad halkaasi kasii wadid”.

“Puntland iyo Galmudug waxay u baahanyihiin inay ku wada noolaadaan nabad , walalnimo , derisnimo iyo isqadarin”.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

 

 

SOMALI NEWS

To Top