WARARKA SOOMAALI

Daawo:Ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya oo diiday in Hub ka dhigis lagu sameeyo iyo Hanjabaad-Video

Xili maalmahan ay magaaladda Muqdisho howlgalo hubka dhigis ah ay ka wadeen ciidamo gaar ah ayaa haatan waxaa soo baxaya cabsi xoogan.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka gaar ahaan kuwii hubka looga qaaday howlgalkaas ayaa ka digay dagaal faraha looga gudbto haddii aan wax laga qaban falal hubka looga qaadayo askar ka tirsan ciidamada.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Afhayeen u hadlay ciidamadan oo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed aya faahfaahin ka bixiyay ciidamo uu sheegay inay ogeyn wax ay yihiin oo falal hub ururis ah iyo xadgudub ah ka wada magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay  inay tahay wax laga xumaado in weerar lagu soo qaado oo laga qaato qoryihii ay naftooda ku difaacaayeen, isagoo digniin u diray madaxda dowladda, wuxuuna ku tilmaamay waxa laga wado Muqdisho bililiqo.

 

SOMALI NEWS

To Top