WARARKA SOOMAALI

Daawo:Banaanbixii ugu weynaa oo ka socoda Muqdisho Farmaajo iyo Khayre oo shacabka la hadli doona-Sawiro

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana inta badan xiran wadooyinka Muhiimka ah ee Caasimada gaar ahaan Wadooyinka gala garoonka Kubada cagta ee Banaadir ee kuyaala Degmada Cabdi Casiis.

Ciidamada amaanka ayaana la dhoobay wadooyinka magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamada gobaha qaar u diidayaan gaadiidka dadweynaha iyo dadka in ay maraan, waxaana saakay si weyn heegan loo galiyay ciidamada amaanka.

Banaan bax aad u weyn oo lagu taageerayo waxqabadka Madaxweyne Farmaajo ee boqolkii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa ka dhacaya Garoonka Banaadir, waxaana banaan baxa kasoo qeyb galaya boqaolaal dadweyne ah oo laga kala keenayo Degmooyinka gobolka.

Madaxweynha Soomaaliya, Wasiiro iyo masuuliyiin kale ayaa la filayaa in Banaan baxa ka qeyb qaataan, waxaana la filayaa in Madaxweyne Farmaajo markii ugu horeesay tan iyo markii Madaxweyne loo doortay in shacabka uu Fagaare kala hadlo.

SOMALI NEWS

To Top