WARARKA SOOMAALI

Daawo:Axmed Madoobe oo Maanta Golaha aqalka sare Khudbad ka hor jeediyey iyo hadal ay dareemen Goluhu oo u yidhi-Video

Kulanka 15 aad Ee kala Fadhiga 2aad Ee Golaha Aqalka sare Waxaa Maanta ka qeyb galay oo Horyimid Xildhibaanada Aqalka Sare Madaxweynayaasha Dowlad Goboledyada Soomaaliya

HALKAN RIIX DAAWO AXMED MADOOBE

Gudomiye Ku xigeenka Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed Bukhaari oo Kulanka shir gudoominayay ayaa Warbixin la xiriirta shaqada Golaha ujeediyay Ka qeyb galayaasha kulankaan.

Dhammaan Madaxda maamul goboleedyadda ayaa khudbad ay kaga hadlaayeen Xaaladda Soomaaliya waxa ay u jeediyeen Xildhibaanada Aqalka Sare.

Waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo Horumarinta Qaranka, waxaana ay tilmaameen in Aqalka Sare ay muujiyaan doorkooda ku aadan matalaada maamul goboleedyadda.

 

SOMALI NEWS

To Top