WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweynaha Maamulka Puntland Gaas oo Khudbad yaab leh ka jeediyey Golaha aqalka sare ee Somalia,Muxuu ka hadla-Video

Madaxwaynaha maamulka Puntland C.wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa Khudbad ka jeediyey Fadhigii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wuxuu sheegay inay Soomaaliya u socoto meel wanaagsan, Islamarkaana si aan la dareemi karin Guulo badan lagu gaadhay, Wuxuuna soo jeediyey inaan wakhtiga la dheerayn ee wixii la qaban karo la wada Qabto.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wuxuu ka hadlay Cadowga kala duwan ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Daacish iyo Al-shabaab, Wuxuuna sheegay inay Sida Dirxiga ku noolaan karaan Meelo Xun-xun, Wuxuuna sheegay in meel looga soo wada jeesto Cadowga ummadda Soomaaliyeed, Oo lala yimaado Midnimo iyo Wadajir.

Gaas ayaa sidoo kale ka hadlay Awoodaha ay leeyihiin Aqalka Sare ee Soomaaliya, iyo Shaqooyinkooda

SOMALI NEWS

To Top