WARARKA SOOMAALI

Daawo:Askari ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya oo 10$ Doller lagu siiyey in uu Dilo Taliyihiisa iyo Wuxuu Sameeyay-Video

Askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan ayaa soo bandhigay Walxaha qaraxa oo sida uu sheegay Al-shabaab kula ballaameen in lagu dilo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka AMISOM.

Askarigan oo lagu magacaabo Maxamed Cali Axmed oo warbaahinta faah faahin ka siiyay sheekada ku saabsan xiriirka dhaxmaray isaga iyo saraakiisha Al-shabaab ayaa sheegay in ay kula ballaameen in walxaha qarxa u geeyo xerada Lama-galaay oo saldhiga u ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 21aad oo ah xero siweyn amnigeeda loo ilaaliyo.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

‘’Wax yaabaha ay i weydiiyeen waxaa ka mid ahaa in aan awood u leeyahay tagista xarumaha waaweyn ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, waxaan u sheegay in xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM sidda Jabuuti iyo Itoobiya intaba aan tagi karo, intaa kaddib qofkii talleefoonka igula hadlayay ayaa igu yiri qofka aan u baahannahay ayaa tahay, howl in aad noo qabato ayaan rabnaa wax kasta oo aad u baahantahayna waan ku sameyneynaa’’ ayuu sheegay askariga

Waxaa uu intaa ku daray‘’Markii arintan ay soo shaacbaxday waxaan la socodsiiyay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada iyo kuwa AMISOM, talleefoon ayaan kula hadalnay sarkaalkii ka tirsanaa Al-shabaab ee arintan xiriirka igala soo sameeyay, waxaa uu igu yiri in 50 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ay ku dhintaan qaraxan waxaa nooga qiimo badan hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowladda ama kuwa AMISOM, magacyo ayuu ii qoray oo ah saraakiisha ay rabaan in qaraxan lagu dilo, waxaa ka mid ahaa Col Xassan Jaamac oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti iyo Jen. Towane Axmed Gure oo ay taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan‘’ ayuu yiri askarigan.

Waxaa uu intaa ku darray in ay ku ballameen deegaanka Gabarlaawe oo 3km dulleedka Koonfureed ka xiga magaalada Beledweyne, kaddib markii ay ka biyo diideen sida uu hadalka u dhigay in ay gudaha u soo gallaan magaalada.

SOMALI NEWS

To Top