WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xukunka lagu riday rag Gabadh yar ku kufsaday Degmada Guriceel-Video

Muqdisho (HM)-Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaa maanta Xukun lagu fuliyay labo ruux oo la sheegay in lagu helay Kufsi ay geysteen Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud horaantii Sanadkaan 2019.

Xubnaha Garsoorka ayaa Goob barxad ah oo ku Taal Dhuusamareeb ka Aqriyay Xukunka Rag Dhalinyaro ah oo loo Xiray Kufsi Guriceel ka Dhacey Dhowr bilood kohor waxaana Markaa kadib Dadka hortooda la Keenay Maxaabiista oo ay Jeedleen Xubno Booliska Ka Tirsan Galmudug ee Magaaladda Dhuusamareeb.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maxaabiistaan la sheegay in lagu helay Kufsiga Gabar yar oo Guriceel lagu kufsaday horaantii sanadkaan ayaa Maxkadu ku xukuntay Tacshiirta Jeedlida ah waxaa midkiiba lagu Dhuftay 100 Jeedal oo Tacsiir ah.

Ragaan ayaa lagu jeedlay Goob fagaaro ah oo ay iskugu soo baxeen Bulshadda Magaaladda Dhuusamareeb waxa ayna daawanayeen Sida uu u dhacay Xukun.

Dhacdadaan oo markii hore dadka deegaanku aad uga caroodeen ayaa ugu dambeyn Ragii Kiis looheystay ay Maxkadda Galmudug ku riday Xukunkaan Jeedlidda ah.

SOMALI NEWS

To Top