WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xildhibaanada Soomaliland oo ka hadlay Heshiiskii Khaatumo iyo isbadelka Geeska-Video

Hargeisa ( HM ) Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta ka dooday Isbadalka ka socda Geeska Afrika, Heshiiskii Itoobiya iyo Eleteriya iyo Wadahadalka u socda Jabuuti iyo Eleteriya.

Xildhibaanada ayaa ka hadlay Isbadalka iyo Horumarka ay samaynayso DF-Somalia, oo dhowaan dalbatay in laga Qaado Cunaqabaynta Hubka, Sidoo kalana Wada Qorshe looga Cafinayo daynta.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale Xildhibaan Buubaa oo ka hadlayey Kulanka ayaa soo jeediyey in la dhamaystiro Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland, islamarkaana wax lagabadalo Dastuurka iyo Xisbiyadda

Dastuurka Somaliland aayad Qur’aan ah maaha, Waxyaabo badan oo Qabyo ah baa ku Jira, Waxaana Ognahay In Heshiiskii Cali Khaliif iyo Somaliland Laga War-wareegayo iyo in la Furo Dastuurka.

Somaliland ayaa hada Gar-waaqsatay inaan Koox Gaar ah Qaran sheegan karin, waxaana la filayaa inay Isbadalo kala duwan ku dhowaaqaan.

SOMALI NEWS

To Top