WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ciidamo gadoodsan oo shir jaraa’id ku qabtay duleedka Muqdisho iyo xaalad kacsan-Video

Muqdisho (HM)-Ciidamo gadoodsan oo ku sugan duleedka degmada Balcad oo goor dhow shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay sababaha ay u soo baneeyeen xarumahooda.

Saraakiisha ciidamadan iyo qaar kamid ah askarta gadoodsan ayaa sheegay in sababaha ugu waaweyn oo ay ugaga soo baxeen xarumahooda ay tahay markii ay waayeen mushaaraadkoodii iyo taakuleyntii kale ee ay ciidamadu ka heli jireen dowlada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waxaan ahayn ciidamo dadkooda iyo dalkooda difaaca illaa iyo dowladii Cabdulaahi Yuusuf iyo wixii ka sii horeeyayba balse dowladaan mid nooga xun nama soo marin waxaan weynay mushaarkeenii iyo garaamkii askariga uu cuni lahaa.”ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha u hadashay ciidamada.

Ciidamadan oo watay gaadiidka dagaalka ee tiknikada loo yaqaan ayaa waxaa ay sheegeen inay la hadlayaan oo kaliya Madaxweynaha Dowlada Federalka oo ah taliyaha guud ee ciidamada dalka.

“Kuma laabanayno illaa aan kala kulano Madaxweynaha oo ah taliyaha guud ee ciidamada si uu noogaga qanciyo cabashadeedna.”ayuu yiri mid kamid ah ciidamada ka hadashay shirka jaraa’id.

Gadoodkan ay sameeyeen ciidamada Milatariga ee gobolka Sh/dhexe ayaa ah kii ugu horeeyay ee ay ku kacaan waxaana laga dareemayaa qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Sh/dhexe fariisimaha ay ciidamada baneeyeen.

Xaalada ammaanka deegaanada ay ciidamadan ka soo baxeen ayaa caadi ah iyadoo halkaa ay weli ku sugan yihiin ciidamo kale.

Gadoodka ay ciidamada xoogga dalka sameynayaan ayaa ah kuwo ku soo badanaya gobolada Shabeelooyinka waxaana dhowaan gadood ay sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwo xoogga dalka ee qeybta 12aad ay ka soo baxeen deegaanka Dhanaane ee gobolka SH/dhexe halkaa oo ay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay la wareegeen.

SOMALI NEWS

To Top