WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Hargeysa agaasime shalay xaalad Caafimaad isku casiley oo Xalay Xabsiga la dhigay-Video

Hargeisa ( HM ) Ciidamada Somaliland ayaa xabsiga u taxaabey, Agaasimihii shaqada ka tegay ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Dr. Cismaan Xuseen Warsame Iyo Marwadiisa, Inkastoo ay Muddo kooban kadib Xaaskiisu Xoriyadeeda Heshay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xaaska uu Qabay Masuulka la xidhay iyo Qoyskiisa ayaa si adag uga hadlay sida wax u dhaceen, waxayna Cabasho kasoo Gudbiyeen Ciidamo Gurigooda Weerar kusoo Qaaday.

“Askar Afka Duuban [ RRU ]  ayaa Guriga nagu soo Weeraray, Waanu Naxnay oo Argagaxnay,   Caruutii ayay ku Tunteen, way noo Hanjabeen

Ninkayga Xaalad Caafimaad ayuu uga tagay, waana laga tagi karaa Xilka, Balse Askartan ma Fahmi karno weerarka ay nagu soo qaadeen,  Mana ay sidan Waaran Maxkamadeed,  Labada Garab ayay I Qabteen oo gaadhiga ayay igu tureen, waxayna na Waydiiyeen Ninkayga. “ Ayay tidhi Marwadiisa.

Hanti-dhawrka Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay baadhis ka waday wasaaradda warfaafinta Somaliland.

SOMALI NEWS

To Top