WARARKA SOOMAALI

Soomaliland Nin ku eedeysnaa Kufsi oo maanta xukun Dhagax ku dil ah lugu riday..

Hargeysa (HM) ―Garsoore ka tirsan Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa maanta waxa uu xukuno kala duwan ku ridey nin loo haystay kiis kufsi iyo weliba gabadh curyan ah oo kufsiga ka cabaneysay.

Maxkamada ayaa waxay Ninkan ku xukuntay in dhagax lagu dilo, iyada oo gabadhii curyaanta aheyd ee kufsiga ka cabaneysayna lagu xakumay in 100 jeedal lagu dhufto.

Kiiskan ayaa waxa uu udhexeeyay labadan qof ee maanta ku dhaceen xukunadan kala duwan.

Geesta kale Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) ayaa dhaliilay habka uu u dhacay xukunkaasi, isagoo shegay in aanu xukunkaasi marin hannaanka sharciga ah balse garsooruhu qaatay go’aan.

“Gabadh curyaan ah ayaa sheegtay in nin kufsaday, baadhistii dacwadda ayaa adkaaatay. Ninkii wuxuu ku dooday inaanu arag oo aan waxba dhexmarin noocay doontee ha noqotee, Inantii uur ayay qaaday, Qareenkeedii waxay ka codsatay maxkamadda degmada inay qaado DNA-ga ilmaha si loo oogaado cidda dhashay. Waxaay rabtay inay caddaynta u gudbiso xeer-ilaalinta si ay u yeesho ama u diido (mar haday iyadu awoodda sharci ee caynkaas ah leedahay). Garsoorihi DNA-ga qudha qaaday xukun ayuu ku xejiyay isaga oo aan dacwadba qaadin, xeer ilaalina sugin, baadhisna aan arag, Awood sharcina u lahayn. Inantii curyaanta ahayd ee sugaysay in hay’adaha baadhistu go’aan gaadhaan, waxa lagu yidhi 100 jeedal ayaa ku sugaya.” ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Dafac oo ka waramayey qaabka ay wax udhaceen.

SOMALI NEWS

To Top