WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xiisad Dagaal iyo Cabsi xooggan oo ka taagan Deegaanada Faliidhyaalle,Tukaraq iyo God-qaboobe-Warbixin+Video

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa ciidamadii ugu badnaa kusoo daad guraynaya deegaanada ay xiisadu ka taagan tahay ee gobalka sool.

wararka aan ka helayno deegaanada Faliidhyaalle,God-qaboobe iyo Tukaraq ayaa kusoo waramaya in ay halkaas soo gaadhayaan ciidamadii ugu badnaa oo ku gaashaamn gaadiidka dagaalka kuwaas o ka imaanaya dhanka Garoowe isla markaana kusoo jeeda deegaanka uu iska hor imaadku dhawaan ka dhacay ee Tukaraq.

Dhanka kale wararka aan helayno ayaa iyaguna sheegaya in Maamulka Somaliland uu ciidamadii ugu badnaa iskugu geeyay deegaanka Tukaraq oo ay dhawaan iska hor imaad kooban kula wareegaan halkaas oo ay doonayaan in ay dufaac ka xidhaan isla markaana ay awood ciidan waxay hayaan iskugu geeyaan si ay uga hor tagaan dagaal uga yimaada mar kasta dhanka puntland.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan siyaasiyiinta maamulada Puntland iyo Somaliland na waxay saacad kasta warbaahinta isku marinayaan Hanjabaadyo culus oo ku saabsan qolo kastaa in ay dagaal iyo is dufaac diyaar u tahay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qaramadda midoobay iyo beesha Caalamka ayaa ku guul daraystay waan waan nabadeed oo ay damceen in ay kala dhex dhigaan labada qolo balse warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in maamulka Somaliland uu arrintaas ka dhaga adegay.

Dhanka kale qaar kamid ah isimadda dhaqanka ee Ssc oo dhawaan shir ku yeeshay Deegaanka Buuro-wadal waxaa ay shacabka Deegaanada Sool iyo Sanaag ugu baaqeen Dagaal iyo in ay iska dufaacan waxay ugu yeedheen cadowga oo ah Somaliland sida ay hadalka u dhigeen.

Lama oga halka xaaladu ku danbeyn doonto balse waxaa suurta gal ah in mar kasta dagaal dhaco madaama ay isku muuqdaan labada ciidan oo qolo kastu aad u hubaysan tahay waa Puntland iyo Somaliland,e.

 

SOMALI NEWS

To Top