WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Gudoomiyaha G.Sool ee Maamulka Somaliland oo Dagaal ku dhawaaqay,weerarna ku qaaday Dowladda Somaliya-Video

Gudoomiyaha Gobalka Sool ee Maamulka Somaliland Cabdikhayre Dirir oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada Lascaanood ee xarunta Gobalka Sool ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobalka Sool iyo colaada ka soo cusboonaatay Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool.

Gudoomiyaha Gobalka ee Maamulka Somaliland ayaa ugu horayn waxaa uu ka hadlay xaalada degmada Tukaraq oo ay dhawaan la wareegeen ciidamada maamulka Somaliland iyagoo halkaas ay horay u joogeen ciidamada Maamulka Puntland,waxaana uu sheegay in ay xaalada degaankaasi tahay mid degan hada.

Wuxuu kale oo edeyan dusha ka saaray madaxda iyo guud ahaan maamulkaPuntland oo uu ku eedeeyey xasuuq shacab iyo wax uu ugu yeedhay duulaan gardaro iyo dhul durugsi Balaadhan oo ay ku hayaan shacabka degaanada Sool iyo sanaag isaga oo sheegay in aysan faraha ka laaban doonin duulaanka maamulka puntland ku hayo deegaanadaas waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale waxaa uu weerar dhanka afka ah ku qaaday dowladda Soomaaliya waxaana uu ku eedeeyay in ay ciidamadeedu joogaan isla markaana lagu soo daad guryanyo deegaanada Gobalka sool iyaga oo puntland la safan waxaana uu beesha Caalamka iyo Madaxweynaha Soomaaliyaba u ka codsaday in ay arintaas il gooni ah ku eegan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Cabdi Khayre Gudoomiyaha Gobalka Sool ee Maamulka Somaliland isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay faragalin iyo xad gudub sharci daro uu ku tilmaamay isaga oo soo qaatay safarkii uu wasiirka qorsheynta dowladda Soomaaliya ku tagay qaybo kamid ah Sool iyo sanaag.

ugu danbeyn waxaa ii sheegay in Ciidamadda Maamulka Somaliland ay gaadhayaan xuduuda somaliland iyo u dhaxaysa puntland oo uu sheegay in ay tahay mid sharci ah oo ingriiskii dhigay halkaas oo ah Yoocadda Geedka la dhaho.

Hadalka gudoomiyaha Gobalka Sool ugu magacaaban Maamulka Somaliland ayaa kusoo aadaya xili ay maamulka Puntland iyaga laftooda kasoo yeedhayaan hadalo kulul iyo Hanjabaad salka ku haysa in ay soomaliland dagaal kusoo qaadayaan waxaana deegaanada Faliidhyaalle iyo Godqaboobe laga dareemayaa saan saan ciidan iyo xaalad colaadeed kadib markii maamulka puntland uu ciidamo tiro badna maalmihii lasoo dhaafay halkaas soo dhoobay.

 

SOMALI NEWS

To Top