WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xaaf oo si lama filaan ah uga soo muuqday shirka Muqdisho & khudbad xasaasi ah-Video

Sida wararku sheegayaan dadaalo iyo wada hadalo qaatay saacado badan oo ay wadeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ayaa waxay ku guuleysteen inay Xaaf ka dhaadhiciyaan inuu shirka ka soo qeyb galo oo aanu qaadicin.

Wararka ayaa sheegaya in markii hore uu diiday inuu shirka ka qeyb galo, hase ahaatee uu markii dambe shuruud ku xiray inuu shirka ka qeyb galo, isla markaana uu qaato kaalintiisa.

HALKAN KA DAAWO

Ilo kala duwan ayaa sheegaya inay u badan tahay in Madaxweyne Xaaf uu madasha maanta ka jeediyo khudbad uga hadlayo xaalada Galmudug iyo dadaaladii socday oo uu horay ugu dhaliilay Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay waxba qaban weyday arrimihii dib u heshiisiinta

Axmed Ducaale Xaaf ayaa todobaadkan ku dhawaaqay inuu dib ula soo laabtay mas’uuliyaddiisa Maamulka Galmudug oo uu horay ugu wakiishay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, isagoo ku eedeeyay inay wax ka qaban weyday arrimihii dib u heshiisiinta.

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa shalay ku furmay kaliya iyadoo ay goobjoog ka yihiin Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle, waxaana horay shirkan u qaadacay Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

SOMALI NEWS

To Top