WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Shirka Muqdisho oo maanta soo dhamaanaya isagoo Jubaland & Puntland ka maqan yihiin-Video

Muqdisho (HM)-Shirka Madasha Iskaashiga Somalia ee shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa galay Maalintii labaad kaasoo looga hadlayo qodobo ay ka mid yihiin Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo arimaha Bulshada, iyadoo ay ka qeyb galayaan wakiillo ka kala socda in ka badan 50 dal, Safiirro iyo shirkado ganacsi oo caalami ah.

Maanta waxaa ka qayb galaya shirka Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish.

HALKAN KA DAAWO TOOS

Madaxdan ayaa la filayaa iney maanta shirka ka jeediyaan khudbado kala duwan, iyadoo saacadaha soo socda la filayo inuu shirka ku soo biro Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shirkan oo ay ka maqan yihiin madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo qaadacay ayaa la filayaa in maanta gelinka dambe la soo gebagebeeyo lagana soo saaro War murtiyeed, waxaana maalintii labaad xiran qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee Muqdisho, iyadoo amaanka magaalada si weyn loo xoojiyey.

 

SOMALI NEWS

To Top