WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Deni oo cadeeyay sababta uu u diiday maamulkiisa Puntland shirka Muqdisho-Video

Garoowe ( HM) Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi DENI ayaa ka hadlay Sababta ay Puntland uga Qayb geli wayday Shirka Caalamiga ah ee Arimaha Soomaaliya looga hadlayo, Kaasi oo maalintii labaad ka socda magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

“Maanta waxaa ka furmay Magaalada Muqdisho Shir layiraahdo Shirka ‘Somali Partnership Forum’ oo ay ku kulmaan madasha isbahaysiga Soomaaliya iyo Caalamka oo looga tashado Marxaladda Soomaaliya Marayso iyo sidii Hormarkeeda looga shaqayn lahaa.

Dawladda Puntland Shirkaas Kama aysan Qayb-galin, waxaan rabaa dadweynaha reer Puntland inaan halka kala wadaago sababaha kalifay in Puntland Ka qayb gali waydo, maadaama Puntland ay ahayd Hooyadii Faderaalka, Maadaama Puntland ahayd xubin aasaasi u ah Midnimada Soomaaliya iyo Federaalaynta, iyada iyo xubnaha kale ee dawladuhuna ay arrintaas kasimanyihiin.”

HALKAN KA DAAWO

“Waxaan aad uga xunahay Shirka noocaas ah intaas le’eg, in Puntland aan laga tala galin in Puntland ay baraha bulshada ka aragtay ajandaha shirka iyo sida uu u dhiganyahay, in Puntland ay ka aragtay waxa loo yaqaan Communique ama wixii kasoo bixi lahaa shirka oo diyaarsan.

Waxaan ka xunahay markii aan hubsanay inay arrimahaas sidaas ujiraan oo aan talo kulahayn, oo waxa kasoo baxaya aan ra’yi kulahayn oo Puntland baahiyaheeda aan lawaydiinayn, oo idinkuba waa arki kartaane layiraahday waxaad kuleedihiin Shan daqiiqo oo dadka carabiga yaqaana layiraahdo “TACLIIQ” ama “REMARKS” Khudbad nin akhriyay ayaa shan daqiiqo idinkuna waxaad leedihiin inaad Comments ka bixisaan ama ka hadashaan.

Intaas inay noqotay qiimihii Puntland laga dhigo aad baan uga xumaaday runtiina wax Puntland ay qaadan karto ma aha Bulshada Caalamka oo dhanna si cad ayay ugu cadaysay inaysan arrintaas raali ka ahayn” Ayuu  yidhi Deni.

SOMALI NEWS

To Top